Khamri aad u fara badan oo ku jiray Kontaynaro ayaa maanta lagu soo bandhigay dekeda Muqdisho ka dib markii ay gacanta ku dhigeen ciidanka Booliska, xili la doonayey in si qarsoodi ah looga saaro dekeda.
Waxaa khamrigan uu ka koobnaa 905 Kartoon oo midkiiba ay ku jirto 12 dhalo, iyadoo goobta lagu soo bandhigayay ay ku sugnaayeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Taliyaha Hogaanka ilaalada Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise & Maamulka dekada Muqdisho.
Taliyaha Hogaanka Ilaalada Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in gacanta lagu haayo Milkiilihii Khamrigan lahaa, isla markaana lagu guuleystay in laga soo dhex saaro allaabo lagu soo dhex qariyey.
Waxaa uu intaas ku daray in ganacsadaha dekeda ka soo dejiyey khamrigan ay dhowaan soo taagi doonaan Maxkamad si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa isna dhankiisa sheegay in dowladdu ay adkeyn doonto baarista agabyada Ganacsi ee ka soo dega Dekada Muqdisho si looga hortago in waxyaabaha maanka dooriyo lagu soo dhex qariyo.
Khamrigan ayaa noqonaya kii ugu badnaa ee lagu qabto dekeda Muqdisho sanadahan dambe, masuuliyiinta maanta soo bandhigayna ma sheegin sida dowladu ka yeeleyso.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com