Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada la safan Guddoomiye Jawaari oo kulan xasaasi ku leh Villa Hargeysa

Xarunta Villa Hargeysa oo ku taalla Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa kulan xasaasi ah uu caawa uga socdaa Xildhibaanada la safan Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo dhowaan xildhibaan kale ay ka keeneen Mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Waxaa kulankan ka qeyb galaya Guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad Mahad Cawad.

Weli si rasmi ah looma oga waxyaabaha ay ka wada hadlayaan hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya iney ku dhawaaqi doonaan inuu burburay Mooshinkii laga keenay Jawaari, lana dhaafay xiligii 10-ka cisho ahayd ee loogu talo galay in lagu horgeeyo Golaha.

Arintan ayaa haddii ay dhab noqoto waxay circa ka shareeri doontaa xiisadii Siyaasadeed ee ka dhex aloosneyd Xildhibaanada Baarlamanka oo labo qeybood u kala jabay.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad C/wali Muudey ayaa maalmo ka hor shaaciyey in Mooshinka la horkeeni doono Golaha 31-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo socota balse Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mahad Cawad ayaa ku gacan seyray go’aankaas.

Qeybaha Warbaahinta ayaa hadda ku sugan xarunta Villa Hargeysa oo looga yeeray iyagoo sugaya shirka jaraaid ee ay qaban doonaan xildhibaanada taageersan Gudoomiye Jawaari.

La soco wixii soo kordha insha Allaah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hormuud Salaam Foundation oo lacag Ugu Deeqdey Hooyo dhashay 4 Carruur ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal 2 maalin ka socday magaalada El Geneina oo lagu dilay in ka badan 700-qof

Cabdi Cade

Hal Arrin oo Sabab looga dhigay dib u dhaca ku yimid Magacaabista Golaha Wasiirada

Cabdi Cade