Marka laga hadlayo midnimada iyo wadajirka jaaliyadaha Soomaalida ee deggan dalka [Nederlands] jaaliyadda Zwolle iyo nawaaxigeeda [Zwolle omgeving] waxeey aheyd tusaalaha ugu fudud ee loo soo qaato Soomaali-middeysan oo horay ujeed ah, hasse ahaatee 2-dii sanno ee u dambeeyey isbeddel ayaa ku yimid, markii shaqsiyaad ka tirsan jaaliyada ay ka horyimaadeen guddoomiyaha guddiga C/qaadir Cali [Nuune] oo dhowr iyo 10-kii sanno ee ugu dambeeyey hormuud u ahaa jaaliyadda.
Tiro kooban oo jaaliyada ka tirsan, si weynna u dhaliilsanaa dib u dhaca ku yimid xilligii doorashada guddiga jaaliyada ayaa guddoomiye u doortay Axmed Hayaan oo ka mid ah aqoonyahanada magaca weyn ku leh jaaliyada, taas oo weji cusub u yeeshay midnimadii ay jaaliyadu muddo dheer ku soo caana-maaleysay.
Khilaafka jaaliyada ee sababay in jaaliyaddu ay 2 garab u kala jabto; waxaa ku soo baxay, soona farageliyey maamulka degmada Zwolle [Gemeenthuis], waxaanna 2-da dhinac loogu yeeray xarunta degmada si loo dhageysto waxa khilaafkoodu ku saleysan yahay, iyada oo arrintaasi ay ka xumaadeen waxgarad ka tirsan jaaliyadda oo u arkay in ay meel-ka dhac ku tahay magaca iyo qiyamka mushtamaca Soomaalida ah in iyagii inta ay ka heshiin waayeen khilaafkooda ajnabi isugu yeero, dhageysto, kaddibna xalka u tilmaamo.
Axmed Hayaan, oo madax ka ah mid ka mid ah darafyada is khilaafsan ayaa weydiiyey su’aal aheyd: maadaama adiga iyo guddoomiyaha guddiga C/qaadir Nuune aad tihiin dad muddo dheer soo wada shaqeeyey, aqoon shaqsi ahna isu leh, in adinka oo ka wada-hadli kara khilaafka idiin dhexeeya, siddee ku dhacday in ay idin soo dhexgalaan dad ajnabi ah, 2-diina la idiin yeero oo qof walba doodiisa la dhageysto, taasi sow sawir fool-xun ka bixineyso sharafta iyo sumcada bulshada aad meteleysaan.?
“Marka hore, waa ka soo horjeedaa in ajnabi na soo dhexgalo, qofka dalbaday isaga [Nuune] ayuu ahaa, mar walba waxaan ku iraahdaa; haddaan aniga adiga [koffee] wada cabno oo meel wada fadhiisano ka waran.? Aniga waxaan ka soo horjeedaa in arrinta shaqsi laga dhigo, waxaa noogu horeysay maalintii uu ninka ajnabiga nala soo xiriiray si uu innoo dhexdhexaadiyo. Go’aankii ka soo baxay wadahadalku wuxuu noqday inaan wada shaqeyno. Teeda kale, qoladii na dhexdhexaadineysay waxeey nagu yiraahdeen haddaad u baahataan waxaan diyaar u nahay in wadahadalkiina goob-joog ka noqono, annagu waa diidnay waxaan niri annaga dhexdeena meeshaan rabno iskala dhacno laakiin danta guud aan fiirino, isagu wuxuu yiri: haddii ninka ajnabiga ah uusan na ag fadhineyn ma wada shaqeyn karno.”
Hayaan, wuxuuna intaasi raaciyey in aysan jirin loolan si shaqsi ah kala dhexeeya C/qaadir Nuune, uuna ka aamisan yahay in uu yahay shaqsi [talent] leh, hasse ahaatee waxa ay isku haystaan ay tahay in laga gudbo xilligii masiirka ummaddan u afduubnaan lahaa hal shaqsi.
Hayaan, wuxuu kaloo sheegay in guddigoodu ay bulshada Soomaalida ee halkaas ku dhaqan siiyaan adeegyo waxtar u leh, adeegyadaas oo uu tilmaamay in ay ka mid yihiin in ubadka Soomaaliyeed ee waxbarashadu ku adag tahay in ay kor u soo qaadaan aqoontooda; Sidoo kalena ay u fureen caruurta Soomaalida dugsi lagu baranayo dhaqanka iyo tarbiyadda islaamka.
Mar kale, Hayaan waxaa la weydiiyey su’aal aheyd dad badan in ay qabaan isaga iyo saaxiibadii iyaga oo muddo bannaanka ka joogay jaaliyadda in sababaha ay ugu soo biireen mar kale ay tahay dano dhaqaale, kaddib markii ay ogaadeen mashaariic uu ka soo shaqeeyey guddoomiyaha guddiga C/qaadir Nuune oo lacago lagu bixiyey.
“Aniga dadkii aasaasay ayaa ku jiray 20 sanno ka hor ayaa aniga & Cabbaas u yeernay Nuune, markii la helay dad khibrad leh annaga waan baneynay xilalka, sida aan haddaba rajeyneyno haddii la helo dad xirfad leh waa ku wareejineynaa, su’aasha ah maxaa idin soo celiyey.? waxaa na soo celiyey, waxaa orod nagu soo galay isaga iyo gemeentiga oo is-bursanaya iyo gemeentigii oo leh ninkaan lama shaqeyn karno, wallaahi annaga oo guryaheena joogna ayaa na la soo wacay oo la yiri wada shaqeynta oo dhan waa joojineynaa ilaa ninkaas meesha laga saaro, wuxuu qaribay buundadii u dhexeeysay Soomaalida iyo madaxda degmada, hadda wixii oo dhan waa soo laabteen, weli sidii ayaa u hayaan, maamul nadiif ah inta laga helaayo.
Axmed Hayaan, isaga oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo aheyd in dad badan ay u qirsan yihiin C/qaadir Nuune inuu dadka samafalo, si weynna u caawiyo hooyooyinka caruurta haysta, dadka da’da ah iyo kuwa u baahan in looga tarjumo isbitaalada, idinka guddigiinu ma qabataan adeegyo noocaas oo kale ah, wuxuuna ku jawaabay:-
“Haa, waa qabanaa qof Soomaali ah oo inta ku soo waca dhibaato kuu sheegta waa inaad u gurmataa, tacsi ayaa la ii soo wacay mar dhoweyto magaalada [Hardenberg] qof Soomaali ah oo ku soo wacay oo ku yiri i caawi, siddeed uga baaqsaneysaa.? dhaqankeena ma ahan dhaqankaas”
Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com