Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

RW Khayre oo ku dhawaaqay halka la dhigayo gogosha dib u heshiisiinta & doorashada Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa uga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb in gogoshii dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug ay ka furantahay Magaalada Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay xaflada xuska 1-da Luulyo oo ka dhacday Dhuusamareeb ayaa ayaa faray dhammaan hay’adaha Federaalka farayaa inay shaqadooda iyo howlgalkooda ka billaabaan magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, wuxuuna u mahadceliyey maamulka Ahlu suna.

”Hay’adaha Amniga Dowladda Federalka ah waa in laga bilaabo beri u diyaar garoobaan sugida Amniga Caasimadda Galmudug, Ciidamada Ahlusuna ee aan ognahay kana dharagsanahay Juhdigii ay galiyeen nabadda ka jirta deegaanadaan, waa iney u diyaar garoobaan laga bilaabo bari in la qarameeyo” Ra’iisul Wasaare Kheyre oo sheegay in wixii caawa ka dambeeya ay midoobeen ahlu suna iyo dowlada Nabad iyo Nolol.

Hadalka RW Khayre ayaa ku soo aaday xili madaxa xukuumada Galmudug Shiikh Shaakir uu ka sheegay isla caawa in xafladan in heyadaha iyo ciidamada dowlada federaalka ay ka howlgeli karaan magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirqool lala damacsan yahay siyaasiyiin mucaarad ah & culeys soo wajahay Qoor-qoor

Caydiid Ali

Nin qabri uu u qodayay meydka gabadhiisa ka dhax helay gabar kale oo nool !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xil u magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---