Waxaa soo baxaya faahfaahino cusub oo ku saabsan Qarax galabta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan.
Qaraxan ayaa ka dhacay Laami yaraha Zoope ka dib markii uu qarxay gaari nooca raaxada ah oo lagu xiray bam loogu talo galay in lagu qaarajiyo qofkii watay.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhaawacmeen labo qof oo kala ahaa ninkii lahaa gaariga lagu soo xiray iyo qof la socday waxaana loola cararay goobaha Caafimaadka.
Lama sheegin khasaare kale oo ka dhashay qaraxan marka laga reebo gaariga oo gebi ahaan gubtay markii uu qabsaday dab ka dhashay qaraxaas.
Sida ay sheegayaan wararka waxaa caawa ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho mid ka mid ahaa labadii qof ee la socday gaarigaas oo ahaa ninkii lahaa, kaasoo magaciisa lagu sheegay C/xafiid Yuusuf Ibraahim, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha heyad samafal oo aan magaceeda la sheegin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com