Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump iyo Kim Jong Un oo ku kulmay Xadka labada Kuuriya (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa markii ugu horeesay tagay soohdinta ay wadaagaan labada dal ee cadawga isku ah ee Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed.

Donald Trump ayaa soohdinta labada Kuuriya oo ah meel ka caagan isticmaalka hubka  ayaa halkaasi kulan si weyn loo sugayay kula qaatay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Mr Kim Jon Un .

Labada hogaamiye ayaa si weyn halkaasi isugu gacan qaaday, waxa ayna yeesheen kulan gaar ah ay uga arinsanayeen sidii xal loogu heli lahaa xiisada gacanka Kuuriya iyo sidii Kuuriyada Waqooyi u joojin laheyn hurumarinta hubka Nukliyeerka.

Kulankan ay yeesheen labada Hogaamiye ee Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa noqonaya kii sadexaad ay yeeshaan , waxaana kulankii ugu dambeeyay ee yeesheen Trum iyo Kim uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada oo lagu dhax dilay gurigiisa

Cabdi Cade

(Sawirro) Caruur & dad kale oo lagu dilay toogasho ka dhacday Maraykanka

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Sida Raisul Wasaaraha Somalia loogu soo dhoweeyey Aadan Yabaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---