Waxaa duhurnimadii maanta qarax khasaaro geestay uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta weyn ee Shirkada Dahabshiil ku leedahay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari nuuciisu ahaa Qooqan ama Surf oo horyaalay Shirkada Dahabshiil, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxaasi ku dhaawacmay ilaa sadex qof oo loola caray xarumaha caafimaadka.
Wali lama oga cida lala damacsanaa in qaraxaasi lagu dilo iyo waliba cida ka dambeesay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.
Suuqa Bakaaraha ayaa inta badan looga baran in ay ka dhacaan qaraxyo , hasa ahaatee waxaa suuqaasi si joogta ah uga dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto dad shacab ah iyo dad kale oo isugu jira shaqaale dowladeed iyo ciidan.
Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com