Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho mudo kadib la filayaa in uu kasoo dego Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaadka yahay ee maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle.
Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweyne Xaaf iyo xubno la socda ayaa saacadaha soo aadan la filayaa in ay yimaadaan magaalada Muqdisho kadib heshiis is afgarad ah oo Cadaado ku dhax maray Xaaf iyo Ra’isul Wasaare Kheyre.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale ayaa marka uu magaalada Muqdisho yimaado la filayaa in uu kulan gaar ah la qaato Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kana wada hadlaan xasilinta Galmudug.
Xaaf ayaa aqbalay in Doorashada Galmudug dhacdo kadib cadaadis siyaasadeed oo la saaray, waxa uuna horey Xaaf ugu adkeesanayay in mudo xileedkiisu ku egyahay 2021-ka balse taasi usuurtoobi weysay.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa ka maqnaa magaalada Muqdisho bilooyin badan, kadib khilaaf soo kala dhax galay isaga iyo Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka.
Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com