Dᴀᴅ ʙᴀᴅᴀɴ ᴏᴏ Sᴏᴏᴍᴀᴀʟɪʏᴇᴇᴅ ᴀʏᴀᴀ ᴋᴜ ᴡᴀʀᴇᴇʀsᴀɴ/ᴅɪɪᴅᴀɴ ᴀᴍᴀʙᴀ ᴀʏ ɪsᴋᴀɢᴀ ᴅʜᴇx ʏᴀᴀᴄsᴀɴ ᴛᴀʜᴀʏ Nɪᴅᴀᴀᴍᴋᴀ Dᴏᴡʟᴀᴅᴇᴇᴅ ᴇᴇ “Fᴇᴅᴇʀᴀᴀʟᴋᴀ Sʏsᴛᴇᴍ-ᴋᴀ” ɪʏᴏ ᴛʀɪʙᴀʟ sʏsᴛᴇᴍ/ʜᴀʙ ᴅʜᴀǫᴀɴᴋᴀ ʜᴏʀᴊᴏᴏɢᴇʏᴀᴀsʜᴀ ᴍᴀᴀᴍᴜʟ-ɢᴏʙᴏʟᴇᴇᴅʏᴀᴅᴀ ᴇᴇ sʜᴇᴇɢᴛᴀ ɪɴ ᴀʏ ʏɪʜɪɪɴ “Fᴇᴅᴇʀᴀʟ Sᴛᴀᴛᴇs” ʜᴀᴅᴅᴀɴᴀ ᴅᴀɴᴇʏsɪɢᴀ, ᴇᴇxᴅᴀ, ᴅᴜʟᴍɪɢᴀ, ᴅɪᴄᴛᴀᴀᴛᴏᴏʀɪʏᴀᴅᴀ ɪʏᴏ ʜᴀʏʙᴛᴀ ǫᴀʙɪɪʟ ᴅʜᴀǫᴀɴᴋᴏᴏᴅᴜ ʏᴀʜᴀʏ, ɪsʟᴀ ᴍᴀʀ ᴀʜᴀᴀɴᴛᴀᴀsɴᴀ Dᴏᴡʟᴀᴅᴅᴀ Fᴇᴅᴇʀᴀᴀʟᴋᴀ Sᴏᴏᴍᴀᴀʟɪʏᴀ ᴋᴜ ᴅʜᴀʟɪɪʟᴀ ᴡᴀᴅᴀ sʜᴀǫᴇʏɴ ʟᴀ’ᴀᴀɴ ɪʏᴏ ɪɴ ᴅᴏᴡʟᴀᴅᴅᴜ ʙᴜʀʙᴜʀɪɴᴇʏsᴏ ᴀᴍᴀ ʜᴀʀᴇᴇʀ ᴍᴀʀsᴀɴ ᴛᴀʜᴀʏ ʜᴀʙᴋɪɪ ᴋᴍɢ ᴀʜᴀᴀ ᴇᴇ ʟᴀɢᴜ ʜᴇsʜɪɪʏᴇʏ.
Haka yaabin oo shaki kaa gelin, in hab-dhaqanka maamul ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo dowladda dhexe laf-ahaanteeda uu yahay “Dameer iyo labadiisa daan”, haba yaraatee aysan ku shaqeyn nidaam-ka dowladeed ee awoodda baahsan. Su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay Ma Nidaamka Federaalka ayaa qaldan mise sida loogu dhaqmaayo ama loo sameeyey ayaan sax aheyn?
Si kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo: Waa maxay Federaal System? Maxaase Soomaaliya ku xambaarey iney noqoto Federaal? Maxaa aheyd sababta dad Soomaaliyeed ay u rabeen welina u rabaan in nidaamka Awood Wadaagga ee “Federal System-ka” la qaato tan iyo sanadkii 1947?
Qiyaastii 25 wadan oo dunida ah ayaa maanta ku dhaqma nidaamka federaalka, isu geynta dadka dalalkaas waa ku dhowaad kala bar ama 45% dadka dunida nool. Waa dalal dhaqaale, siyaasad iyo military ahaan aad ugu horeeya qaaradahooda ama aduunweynaha, waxaana dalalkaas ka mid ah: India, Mareykanka, Brazil, Germany, Nigeria, Canada, Ethiopia, Mexico iyo South Africa. Waa xaqiiq ah, burburkii Somalia ka dib in dad badan oo Soomaaliyeed ay u hayaameen dalalkaas si ay u helaan nolol, waxbarasho iyo amni, qaarkoodna waxayba maanta yihiin siyaasiyiin ilaa heer xildhibaan iyo wasiir ka gaarey dalkaas muddo gaaban gudahood.
Haddaba, Federalism ama Federaalku waa nidaam dowladeed oo dunida ka jira, oo ah in awoodda dalka la daadejiyo, lana ilaaliyo saami qeybsiga awoodaha siyaasadeed & dhaqaale ee dalka iyo dhowrista xuquuqda dadka & deegaanada kala duwan ee ku midoobaya federaalka. Federaalku waxaa faa’iido aad u weyn ku qaba muwaadin kastoo Soomaaliyeed oo xalaal quute ah, xoolo dhaqato iyo beeraleey ah, waana nidaam adeegga dowladeed goobtiisa ugu geynaaya muwaadinka isagoon soo jarin masaafo dheer soona barakicin. Dhanka kale, Federaal-ku ma ahan nidaam u hiilinaaya danleyda ay ka mid ka yihiin maalin-taajir-ka (ama dowlad ku noolka), afmaalka, burcada, guul-wadaha, ma shaqeystaha iyo shaxaad ku noolka. Dhammaan danleydaas siyaasadeed ayaa aaminsan hababka dowladeed ee ku dhisan diktaatooriyad; dowlad dhexe oo awood leh, shuuciyada iyo boqortooyo. Burburka nidaamyadaasi waxay sababaan qaababka isku dhul-noolaansho, boobka hantida ma guurtada iyo guurtada ah, dhac, barakicin, iwm.
Bᴀᴅᴀɴᴀᴀ, ʟᴀʙᴏ xᴀᴀʟᴀᴅᴏᴏᴅ ᴀʏᴀᴀ sᴀʙᴀʙᴀ ɪɴ ᴅᴀʟ ᴜᴜ ɴᴏǫᴅᴏ ꜰᴇᴅᴇʀᴀᴀʟ sʏsᴛᴇᴍ:
- Kala badnaashaha & kala duwanaanshaha Isirka, dhaqanka iyo diinta (sida Itoobiya & Nigeria): Xaaladan ma ahan mid Somalia ku qaadey in ay Federaal noqoto, uma baahna fasiraad dheer . Hase ahaatee, waxaan shaki ku jirin, in dalalka xaaladaan ay ku qaadey in ay federaal noqdaan sida Itoobiyada & Nigeria, maanta waa horumar iyo siyaasad wanaagsan yihiin xilgii militariga iyo kaligii taliskii ee Mingistu Xeela Maryan dalkoodu ka talinayeen.
- Dagaalka Sokeeye iyo Is-aaminaad-darida dad isku isirka, dhaqan iyo diin ah. (sida Somali & Sudan tusaale)
Soomaaliya waxaa hareeyey dagaalo sokeeye oo muddo dheer socdey keenayna burbur dal iyo duunyaba leh, waxaana abuurmey kalsooni-daro bulsho, isku dul-noolaansho, kala go’ iyo midnimo la’aan. Muddo dhowr sano oo dowlad la’aan iyo shirar fashilmey ka dib, ayey suurto-gashey in mabda’ ahaan la isla qaato habka federaalka ah, iyadoo runtii loo arkaayey inuu yahay nidaam isku keeni kara dhinacyada dagaalamey iyo qolooyinka gooni isu taaga ku dhowaaqey sida Somaliland.
Sidoo kale, intii u dhaxeysey 1947 ilaa 1969kii, Somalia waxaa ka jiray ururo samafal, dhaqdhaqaaqyo gobonimo doon ah, iyo xisbiyo siyaasadeed, mid ka mid xisbiyadaas oo ahaa Xisbiya Digil & Mirifle, kana soo farcamey urur samafal oo lagu magaabi jirey Wadani, lahaana taageerada dadka ugu badan ee Koonfurta Soomaaliya ayaa aaminsanaa in Somalia oo degganaansho siyaasadeed oo waarta kaliya ku imaan karto nidaamka AWOOD WADAAGGA “Federal System”, waxaana markaasi ka digayeen burburka guud ee dalka soo gaar si gaar ahna iyaga u taabatey!
Ugu dambeyntii, Nidaam Federaalka oo dastuur iyo sharciyo adag leh oo kala xadida dowladda dhexe iyo dowladda xubnaha ka ah DFS, magacyada madaxweyne goboleedyadana lagu bedelo governors (gudoomiye goboleedyo) waxaa hubaal ah in aan helnay furahii nolosha, iftiinkii horumarka iyo deganaansho siyaasadeed oo waarta, haddiise weli ay jiraan dad ku riyoonaaya dowlad dhexe oo xoog leh – diktaatooriyad, shuuciyad ama boqortooyo ah, waxaan leeyahay “waxaad na badeen, waxaad na barteen baa nooga daran” – ee ha idinku filnaato waxii naf go’day iyo iil qodan, ciil iyo caloolyow aad Soomaali badeen.
WQ: Saadiq Cabdilaahi Cabdi
Wasiirkii hore ee Wasaarada Howlaha guud ee Xukuumadda RW Kheyre
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com