Shaqaalaha Maamulka Hawada Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qeybtoodii ugu horeysay oo ka kooban 34 ruux waxay maanta ay ku soo noqdeen dalkooda si ay uga howlgalaan xarunta ugu weyn maamulka hawada Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ay ka hirgalisay dowladda Federaalka.
Shaqaalahan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku soo dhoweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya oo uu wehliyo wasiirka ku xigeenka wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi i Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in soo noqoshada shaqaalaha maamulka Hawada ay marqaati ka tahay inay Soomaaliya dib ula soo wareegtay maamulka Hawadeeda.
Oomaar ayaa sheegay in shaqaalahan ay yihiin kuwo khibrad leh oo howlaha maamulka hawada ku soo jiray muddo ka badan 20-25 sano, ayna ku guuleysatay dowlada iney dalkooda ku soo celiso si ay qarankooda ugu shaqeeyaan.
Wasiirka, ayaa intaas kadib waxa uu uu xariga ka jaraya hoyga shaqaalaha Maamulka hawada Soomaaliya, waxaana uu ku dhiira galiyey bilowga howshooda.
Jaamac Axmed Muuse Ku simaha Maareeyaha Hey’adda duulista iyo saadaasha Hawada iyo Cabdi Aadan Xasan oo ka mid ah shaqaalaha maanta sida tooska ugu soo wareegay Muqdisho ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin hawada Qaranka inay dib uga maamulaan gudaha dalka.
Hawada Soomaaliya ayaa muddo ka badan 25 sano waxaa laga maamulayay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka hor inta aysan sanadkan gudihiisa la soo wareegin dowlada Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com