Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan xarigii maanta ciidanka Boolisku u geysteen Madaxii Waaxda dabagalka Canshuuraha Garoonka Aadan Cadde C/maalik Yuusuf, ahna Milkiilaha Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho iyo 8 xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha Waaxda Dawladda hoose iyo Wasaaradda Maaliyadda ee qaabilsanaa Garoonka.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Cabdi-Maalik ay jirdileen ciidanka amaanka maanta markii la xirayey ka dib markii uu diiday inuu raaco, uuna u gacan qaaday qaar ka mid ah saraakiisha Booliska
Cabdi-Maalik iyo ragga lala qabtay ayaa la sheegay inuu illaa galabta ku xirnaayeen saldhiga Booliska ee ku dhex yaalla garoonka Aadan cadde, waxaana fashilmay isku day la doonayey in damiin ahaan lagu sii daayo kaasoo ay waday xaaskiisa oo la sheegay iney tahay Xildhibaanad ka tirsan baarlamanka federaalka ka dib markii ciidanka gacanta ku haya ay diideen damiinta.
Warar kale oo goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in saldhiga uu ku xiran yahay Cabdi-Maalik uu gaaray Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo isku dayaya inuu xaalada qaboojiyo, xog dheeraad ahna ka helo dembiga loo heysto Cabdi-Malik.
Xariga Cabdi-Maalik ayey wararku sheegayaa inuu amray hanti dhowrka guud ee Qaranka oo ku eedeynaya inuu ku kacay musuq-maasuq iyo wax isdaba marin baahsan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com