Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Maxamed Qanyare Afrax

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka, isaga oo noqday Wasiir iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Trump oo ka badbaaday isku day dil (Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia: James Swan oo warbixin xasaasi ah siiyey Xubnaha Golaha amaanka ee QM

Caydiid Ali

Haween dibed-bax cabasho dhigayey oo fal yaab leh ku kacay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---