Allbanaadir.com
NEWS

Mahdi Guuleed oo booqday Madxafka caanka ah ee Shaoshan Mao Zedong (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maalmahan ku sugnaa dalka Shiinaha uu shirar uga qeyb galayay ayaa booqday Madxaf caan ka ah dalkaasi.

Mahdi Guuleed iyo wafdiga la socday ayaa booqasho loo geeyay Madxafka caanka ah Shaoshan Mao Zedong , madxafkan ayaana kamid ah goobaha ugu muhiimsan ee lagu keydiyo taariikhda dalka Shiinaha.

“Muhiimada ay taariikhdu leedahay waxay tahay in wax laga barto. aniga iyo wefdigii ila socday waxaan booqanay Madxafka Shaoshan Mao Zedong “.  Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka .

Madxafka Shaoshan Mao Zedong ayaa kamid ah kuwa ugu waa weyn ee dalka Shiinaha ee lagu keydiyo taariikhda iyo waxyaabaha muhiimka u ah dalkaasi, waxaana taariikhda madxafkan ku keydsan loogu tala galay in jiilka dambe wax ka bartaan.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Masuuliyiin uu dhowaan xilal u magacaabay RW Rooble oo la dhaariyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Asmara (Sawirro)

Cabdi Cade

Jabuuti oo war kulul ka soo saartay booqashadii Farmaajo ku tegay Eritrea (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---