Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagana soo doortay deegaanada maamulka Jubbaland ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray sargaal katirsan Dowlada Kenya.
Nuuradiin Yuusuf Xaaji oo ah taliye kuxigeenka Nabad sugida Kenya horey usoo noqday Ergaygii Kenya u qaabilsanaa dhisida maamulka Jubblaand, ayaa sheegay in ujeedka Kenya Jubbaland dhismihisa u taageertay uu ahaa in amaanka xaduuda laga ilaaliyo.
Sanoter C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland ayaa hadal aan munaasib aheyn ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Nuuradiin, waxa uuna Tilmaamay in Jubbaland lamid tahay maamulada kale ee dalka ka jira.
” Hadalka kasoo yeeray Nuuradiin waa mid la iska yiri oo micno ku fadhin, Jubbaland waxa ay lamid tahay maamulada kale ee dalka ka jira sida Puntland, Koonfur Galbeed iyo kuwa kale, waaana waxbo kama jiraan hadalka ninkaas kasoo yeeray” Ayuu yiri Fartaag.
Sidoo kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in hadalka Nuuraddiin uu yahay mid uusan ku hadlin qof masuul ah una baahnaa in laga fiirsado,isla markaana dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin in hal taako oo ka mid ah dhulkeena lagu soo xadgudubo.
Dowlada Kenya ayaa gacan weyn ka geesatay dhismaha maamulka Jubbaland gaar ahaan in maamulkaasi hogaankeeda la wareego Axmed Madoobe, waxaana hadalka kasoo yeeray Kenya u muuqday mid maamulkaasi u dhiseen in danahooda ku ilaashadaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com