Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa ku eedeesay Dowlada cadawga ay isku yihiin ee Qatar in cabsi galin ku heyso diyaaradaha rakaabka qaada ee laga leeyahay dalkooda.
War kasoo baxay Hay’ada duulimaadka ee dowlada Imaaraaka Carabta ayaa lagu sheegay in Diyaaradaha dagaalka ee Qatar laga leeyahay ay cabsi geliyeen labo diyaaradood oo siday rakaab oo laga leeyahay wadanka Imaaraatiga.
Qoraalka kasoo baxay dowlada Imaaraatka ayaa lagu sheegay in maalintii Isniinta Diyaaradaha dagaalka Qatar kusoo dhawaadeyn ayna cabsi galiyeen labo Diyaarad oo laga leeyahay Imaaraatka oo marayey hawada dalka Baxreyn.
Dowlada Qatar ayaa dhankeeda qoraal ay soo saartay ku beenisay warkan kasoo baxay dowlada Imaaraatka, waxa ayna Qatar dhankeeda ku eedeesay Imaaraatka in iyagu yihiin kuwa cabsi galinta iyo xad gudubka ku haya hawada dalkooda.
Xiriirka u dhaxeeya Dowladaha Qatar iyo Imaaraatka Carabta ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray , waxa ayna labada dal midbo kan kalan ku eedeeyaan in xadgudub iyo cabsi galin ku hayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com