Allbanaadir.com
NEWS

Dib u dhigista hawlaha Dekadda qalalan ee Muqdisho iyo Saameynta ay yeelan karto (Daawo Sawirro)

Dakadda qalalan oo ah  (ICD inland container depot) oo loo yaqaana meesha containres lagu keediyo asiga oo buuxa ama faaruq ah iyo meshaa lagu faarujiyo laguna shubo alabaaha la dhoofinaayo waana  Keyd ballaaran  oo ay ka hirgelisay  Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Shirkadda Caalamiga ah ee SIMATECH INTERNATIONAL FZE taas oo la dhagax dhigay sanadkii  2016-dii  si ay  u haqabtirto adeegyada dheeraadka ah
ee looga baahan yahay Dekedda weyn ee Muqdisho.

Mashruucaan ayaa waxaa maal gelisay SIMATECH INTERNAIONAL FZE, iyadoona si rasmi ah loogu Casuumay Masuuliyiinta ugu sarreeysa ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoona  laga helay ogalaasho shirkadda Dekedda Muqdisho haatan maamusha ee Albayrak, si ay si habsami leh ugu socota adeega loo haayo shacab iyo ganacsatada
soomaaliyeed  una maareyso Waxtarka Xamuulka iyo Badeecada ka soo dagta Dekedda weyn ee Muqdishoislamarkaana si fudud ugu gaaraan Macaamiisha  Alaabaha kala soo daga Dekedda Muqdisho.

Mashruucaan ayaa dhaqan galay kadib markii ay Saxiixday Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda taas oo mataleysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inteeda kale.
Waxaana Heshiiskaan la meel mariyay kadib markii ay hab Nidaamkiisa Saxday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya islamarkaana ay qalinka ku duugeen Golaha Wasiirada Soomaaliya walow markii dambe  dib loo dhigay billaabida howshaasi kadib markii uu Cadaadis uu ka yimid Masuuliyiin Hay’adaha dowladda ka tirsan islamarkaana ku shaqa lahaa howshaasi.

Dekedaha Qalalan ayaa waxaa lagu qalabeeyaa Aalado Casri ah iyo Kaabayaal ka sameysan Mashiino dhulka ku rakiban   kuwaas oo Koronto ku shaqeeya islamarkaana si sahlan u qabanaya Howlo dhib badan waqtina qaata marka uu aadanuhu sameynayo.

Shirkadaan ayaa sidoo kale waxa ay ballan qaaday in dalka Soomaaliya ka sameyneyso Maalgashiyo kale kuwaas oo u badan dhanka kaabayaasha dhaqaalaha kadib dhisidda Dekeddaan.

Wax masuuliyad sidaa ubuuran iskama aysan saarin Dowladda Federaalka Soomaaliya si baa layiri ay ufuliso mashaariicda dhaqaalaha danta guud iyo in ay hindisto maalgashiga shirkadaha ajaaniibta ee doonaya in ay dalka maalgashi kusameeystaan.

Bulshada caalamka qaarkood ayaa waxa ay walaac kamuujiyeen dib udhigidda dakaddan casriga ah taasoo lasheegayo in ay horseedi lahayd mashaariic maalgashi oo ay shirkado badan kaga daydaan Simatech oo ah shirkadda dhisi rabtay dakaddaan.

In lagu guul daraysto dhisidda dakaddan ayaa ah mid keeni karta cawaaqib xumo dhanka dhaqaalaha ah.

Shirkadda  Simatech ayaa aad ugu xeeldheer  howlaha dakadaha qalalan isla markaana wax soo saaarkoodu aad uga wacan yahay dhanka adeegyada kala duwan ee loo yaqaan logistics   inta badan caalamka laga isticmaalo.

Dhisidda Dakaddaan ayaa waxaa ugogol  xaaray madaxda dowladda fedaraalka taasoo illaa iyo haatan dib loo dhigay maadaama ay xaddideen amaba hakiyeen qaar kamid ah masuuliinta hay’adaha Dowladda.

Shirkaddan ayaa waxa ay horay u soo qarash gareysay ku dhawaad 10 Million oo dollar iyadoo haatanna doonaysa in ay bixiso intaa iyo in kabadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo soo saaray amar ku socda heyadaha Qaranka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday Maraykanka & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden oo booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Ukraine (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---