Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan si yaab leh uga hadlay khilaafka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Xildhibaan caan ah oo ka tirsan xisbiga Jubilee ee talada haya, aadna ugu dhow Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa, oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa in laga qaado Soomaaliya tallaabooyin adag.

“Waxaan ku qasaarinaa nafta askarteena si aan u taageerno dowladda daciifka ah ee Soomaaliya” ayuu yiri xildhibaan Moses oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal dheer.

Waxa uu sheegay in la gaaray xiligii laga aargoosan lahaa Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay dhawr arrimood in looga aarsado Soomaaliya sida in madaxda iyo ganacsatada Soomaalida ee guryaha iyo gacansiga ku leh Kenya laga eryo dalka, in la dhiso darbiga xuduudda iyo in la xiro xeryaha qaxootiga.

Wuxuu kaloo ku baaqay in Madaxweyne Farmaajo oo uu ku sheegay inuu yahay Muwaadin Norwegian ah uusan cag soo dhigin Kenya.

Hadalkan ayuu xildhibaanka sheegay xili xabsiga loo taxaabay xildhibaan kale oo jeediyay hadalo kicin ah oo ku saabsan dadka ajaaniibta ah ee Kenya ku nool.

   Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar Soomaaliyeed oo ku guuleesatay doorasho ka dhacday dal Yurub katirsan

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Salaadda Ciidul-fidriga kala qayb galay shacabka Hargeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka oo fooda iyo buuq kusoo dhamaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---