Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Samaystay Guddi Isku-dhaf Ah (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo dhiggiisa dalka shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal ayaa si wadajir ah u sameeyay guddi dhaqaale oo ay xubna ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddiga dhaqaale waxaa ku metelaya wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Aasiya iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha.

Dhanka kale, ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta berri ah gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelaya munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo wareejiyay Lacag lagu xalinayay Dhacdooyinkii Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir shaaciyay tirada Xildhibaannada mucaaradka ku ah Xukuumadda

Cabdi Cade

Soomaaliya oo loogu baaqay in Isbedel deg deh ah ku sameyso ciidankeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---