Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Cadaado

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambo baxay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa goordhaw gaaray magaalada Cadaado.

Wafdiga Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa si heer sare ah magaalada Cadaado ugu soo dhaweeyay Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug iyo dadweyne aad u badan.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa u tagay Cadaado xal u helida xiisada ka taagan maamulka Galmudug gaar ahaan dhinaca doorashooyinka, waxaana la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo Xildhibaanada labada aqal iyo waxgaradka Cadaado.

Magaalada Cadaado waxaa xiligan ku sugan Madaxweynaha Galmudug Xaaf , Xildhibaano katirsan labada Aqal gaar ahaan kuwa u badan mucaaradka dowlada , waxaana la filayaa in magaalada Cadaado ka dhacaan kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjire Cali Cagabaruur oo la dardaarmay ciidamo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayay oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laascaanood

Cabdi Cade

Jabuuti oo diiwaangelisay dadkii ugu badnaa ee maalin kaliya laga helay COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---