Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Doonaya in Wadahadal lagu dhameeyo Muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Dowlada Mareykanka ayaa ka dhawaajisay in ay ka shaqeeneyso sidii xal loogu heli lahaa loona qaboojin lahaa xiisada siyaasadeed ee xiligan ka dhax aloosan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Danjiraha Mareykanka ee Dalka Kenya Kyle McCarter ayaa sheegay in dowladiisu ka shaqeynayo sidii uu fududeyn laheyd xal ka gaarista khilaafka ka taagan dhul badeedka Kenya iyo Soomaaliya.

Kyle McCarter ayaa sheegay in uu aamisan yahay in wadahadal lagu dhameeyo muranka dhinaca badda ee labada dal u dhaxeeya isla markaasna ay tahay tallaabada ugu wanaagsan ee lagu soo afjarayo xiisadaasi.

Danjiraha Mareykanka ee dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya aysan kala maarmin ayna yihiin laba dal oo wadaaga xiriir dhaqaale iyo mid dhinaca amaanka ah.

“Mareykanka waxaa uu ka shaqeynayaa sidii uu fududeyn lahaa xal ka gaarista muranka, waxaan rumeysanahay in Kenya iyo Soomaaliya ay dhowr doonaan deris wanaaga” ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiyo dalka Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ka biyo diidsan in muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Kenya lagu dhameeyo wadahadal halka dowlada Kenya dadaal badan ku bixineyso in dacwada laga soo celiyo Maxkamada Caalamiga laguna dhameeyo wadahadal.

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Gudoomiyay kulan looga hadlay arin muhiim ah (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Cumar Filish oo ku dhawaaqay go’aan cusub & Mungaab oo ka hadlay xaqiiqada Xamar taalla

admin

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Farmaajo loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo iyo  Geel huwan astaanta Calanka oo..

admin
Taboola Ads ---