Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Xuska 26-ka Juun oo caawa Dhuusamareeb lagu qabtay & RW Khayre oo ka qeyb galay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada magaalada Dhuusamareeb kala qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 59-aad ee xorriyadda goballada Waqooyi ee dalka, ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in 26-ka June oo ah maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dhulka Soomaaliyeed, ay tahay maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, ayaa dadka Soomaaliyeed xasuusiyay in dhiig badan lagu bixiyay xornimada aan maanta ku naalloonayno, waxa uuna u mahad celiyay cid kasta oo qayb ka qaadatay in dadka Soomaaliyeed ay ka xoroobaan gummaystaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay in aysan kala maarmin Soomaali ayaa ku baaqay in la adkeeyo midnimada, isaga oo intaa raaciyay in hoggaanka dalku ay ka garaabayaan tabashooyinka ay qabaan deegaannada goballada waqooyi ee dalka.

June 26, 1960 ayaa goballada waqooyi ee dalka waxa ay xornimada ka qaateen gumeestihii Ingiriiska afar maalin kadib oo ku beegneed 1-da July, goballada koonfureed ee dalka ayaa iyana waxa ay xornimada ka qaateen Talyaaniga iyada oo isla maalintaasna midoobeen goballada waqooyi iyo Koonfur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:- Khudbadihii ay is dhaafsadeen RW Rooble & Midowga Musharaxiinta

admin

Al Shabaab oo saakay dagaal kula wareegtay degmo ay gacanta ku hayeen ciidanka dowlada

Cabdi Cade

Hal arrin oo loo sheegay in qorshaha ku darsadaan Madaxda Maamul goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---