Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xildhibaano galabta Cadaado kula shiray Madaxweyne Xaaf (Daawo Sawirada)

Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa galabta magaalada Cadaado waxa ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Kulanka labada dhinac dhax maray ayaa looga hadlay xiisada siyaasadeed ee kusoo korortay Galmudug iyo sidii xal loogu dhameyn lahaa khilaafka ka taagan doorashada iyo waliba halka ay ka dhaceyso.

Xildhibaanada labada Aqal iyo Madaxweyne Xaaf ayaa is dhaafsaday aragtidooda siyaasadeed iyo sida ugu macquulsan ee arimaha hada taagan xal looga gaari lahaa, waxa ayna u balameen in kulamo kale isugu yimaadaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Cadaado kula kulmay Madaxweyne Xaaf ayaa usii gudbay magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug oo ay jogaan wafdi dowlada federaalka katirsan uu hogaaminayo Rai’isul Wasaare Xasan Kheyre.

Xildhibaanada ayaa la filayaa in Dhuuso Mareeb kula kulmaan masuuliyiin katirsan dowlada oo magaaladaasi jooga iyo sidoo kale hogaanka maamulka Ahlu Sunna ka arimiya magaalada Dhuuso Mareeb.

Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Xildhibaano u badan kuwa mucaarad ku ah dowlada federaalka halka magaalada Dhuuso Mareeb joogaan Wasiiro iyo Xildhibaano u badan kuwa muxaafid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xildhibaan ku jees jeesay Muslimiintii lagu laayey New Zealand oo si xun loo galay

Caydiid Ali

Ciyaal Weero dil ka geestay xaafad katirsan Muqdisho iyo Cabsi hor leh oo soo korortay

Cabdi Cade

DF oo ka hadashay sababta loo xanibay Qaadka iyo khilaafka ka taagan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---