Ciidamada Xoogga dalka oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Jubbaland ayaa deegaano dhaca waqooyiga gobolka Jubbada Hoose kala wareegay Al-shabaab
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka waxay sheegeen inay kula wareegeen degaanada Araare, Balad-raxma iyo Kobon oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Afhayeenka wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdnuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in 8 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay iska horimaad ka dhacay degaanka Kobon.
Intii uu howlgalkan socday ayaa waxaa la sheegay iney qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay, laba askari ayaana ku dhaawacmay sida wararkju sheegayaan.
Ciidamadan oo wararka qaarkood sheegayaan iney dusha ka taageerayeen dayuurado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa weli wada howlgalka, iyagoo ku sii siqaya degaano kale oo ka tirsan Al-shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com