Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Abshir Bukhaari & Xildhibaano ku kacsan dowlada oo tagay Cadaado (Sawirro)

Xubno uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Xubnaha wehliya Abshir Bukhaari waxaa ka mida Xildhiban Cabdiraxmaan Odowaa, Xildhibaan Siciid Nur Giriish iyo Xildhibaan Saabir Shuuriye, waxayana saddexdooda kasoo jeedaan Gobolka Galgaduud, iyagoo ka mida xubnaha ku kacsan xukuumadda Soomaaliya oo wadda qorsha doorasho lagu qabanyo maamulka Galmudug .

Ujeedka safarkooda ayaa la xiriira isbedelka ku yimid maamulka Galmudug iyo inay qeyb ka noqdaan xaalada ka socota maamulkaas, waxaana garoonka  Cadaado ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin iyo dadweynaha magaalada.

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Cadaado, isagoo ilaa xalay ku sugnaa degaanka Godinlabe ka dib markii uu ka soo ambabaxay Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdi uu horkacayo Siciid Nuur Xasan oo gaaray Hargeysa, lana kulmay Muuse Biixi

Caydiid Ali

Tiktok oo si adag uga jawaabtay hanjabaaddii kaga timid Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

DF oo Switzerland ka codsatay in Kaalamada bani’aadannimo si toos ah u siiso (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---