Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro & Xildhibaano gaaray degmada Belad Xaawo oo ay ka jirto xiisada derbiga Kenya

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa gaaray Magaalada Baled-xaawo ee gobolka Gedo oo ay ka jirto xiisad ka dhalatay derbiga Kenya ka dhiseyso xadka Somalia taasoo u dhexeysa ciidamada Kenya iyo shacabka degmadaas.

Ujeedada safarka Wasiirka iyo xildhibaanada la socda ayaa lagu sheegay inay tahay sidii xal looga gaari lahaa Muranka ka dhashay derbiga ay dowladda Kenya ka dhisayso xadka Soomaaliya.

Wasiiro iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Jubbaland qeybna ka ah wafdigan ayaa lagu waddaa iney gaaraan Magaalada Mandera saacadaha soo socda halkaasoo ay ka furmi doonaan Wadahadallo lagu xalinayo xiisada B/Xaawo.

Magaalada Mandera ayaa waxaa ku sugan Wafdi ka socda dowladda Kenya oo halkaasi u yimid xal u helidda Muranka ka taagan Xadka labada dale e Somalia iyo Kenya gaar ahaan aaga B/xaawo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku hershiiyey in la hakiyo dhismaha derbiga inta xiisadan ay ka wada hadlayaan Madaxweynayaasha labada dal oo maalmaha soo socda kulan arintan looga hadlayo.

Xiisada ka taagan B/Xaawo oo aan weli xal loo helin ayaa salka ku heysa ismaan dhaaf u dhexeeya ciidamada Kenya iyo dadka degaanka oo la xiriira halka la marinayo derbiga xadka laga dhisayo, iyadoo Kenya lagu eedeynayo iney xad gudub ku sameeyeen dhulka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay Shabakad dilal fulin jirtay iyo ninkii dilay…

Cabdi Cade

Erdogan oo u sheegay sida looga baahan yahay Saaxiibkiis Putin oo argagax la kulmay

Cabdi Cade

Gabar ninkii ay Jecleyd ku dhax guursatay Isbitaal iyo Sababta keentay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---