Allbanaadir.com
NEWS

Dalalka caalamka ee laga eryayo diblomaasiyiinta Ruushka oo sii kordhaya

Australia ayaa noqotay dowladii ugu dambeeyey ee dalkeeda ka eryaysa diblumaasiyiinta Ruushka, taasoo jawaab u ah weerararkii loo isticmaalay sunta neerfaha waxyeellaysa ee ka dhacay dalka Britain.

Rai’sul wasaaraha Australia, Malcolm Turnbull ayaa sheegay in ficilka Moscow uu ahaa weerar ka dhan ah dimuquraadiyadda iyo madaxbanaanida dal kasta, loona baahan yahay in ficil ahaan laga jawaabo.

“Waa weerarkii ugu horreeyey Yurub dhexdeeda ee loo adeegsado hubka kiimimkada tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, waxaana uu ahaa isku day dil oo laga soo shaqeeyay, wuxuu ahaa xad gudub iyo weerar lagu soo qaaday madax banaanida dalka Britain iyo shuruucda waana cambaaraynaynaa gabi ahaanba” ayuu yiri Malcolm Turnbull.

Saddex iyo labaatan dal oo taageeraya Britain ayaa hadda eryay boqol iyo lix iyo toban diblomaasi oo Ruush ah.

Waa eryiddii diblumaasiyiinta ee ugu balaarnayd abid tan iyo dagaalkii qaboobaa, Ruushka ayaa ballan ku qaaday inuu jawaab ka siin doono falkan dalalka kula dhaqaaqay.

Sidoo kale, Xoghaya guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay iney eryeen todoba ka mid ah diblomaasiyiinta ka hawlgala xafiiska diblomaasiyadeed ee Ruushku ku leeyahay xarunta ururka NATO.

Xoghayuhu waxa uu sheegay in go’aankaasi fariin cad u dirayo Ruushka, taas oo ah in habdhaqankiisa cawaaqib ka dhalanayo.

Ruushku wuxuu sidoo kale beeniyay in uu ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Salisbury weerarkaas oo lagu qaaday basaas hore oo Ruush ahaa Sergei Skripal iyo gabdhiisa oo haatan xaalad Qatar ah kula jira isbitaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil katirsan ciidanka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho iyo Ujeedka socdaalkooda (Sawirro)

Cabdi Cade

Aqalka Sare oo Qaraar kasoo saaray Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid (Akhriso)

admin

Max’ed Bin Salman oo booqashadiisii ugu horeysay ku tagaya dalka Qatar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---