Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Senator Jeff Merkely (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay garoonka dayuuradaha Aadan cadde Senator Jeff Merkely oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo Senatorka ayaa ka wadahadlay arrimaha bini’aadam-nimada amaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Senatar Jeff Merkelly ayaa Madaxweyne Farmaajo u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Soomaaliya markale ay dowladnimadeedii soo noqoto, isagoo ku boggaadiyey dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha dadaalka badan ee uu ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka.

Jeff Merkely waxa kale oo uu Dowladda ku ammaanay hufnaanta dhaqaalaha isagoo tusaale u soo qaatay warbixinta hey’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga ay ka qoreen hanaanka Maaliyadeed ee dalka, waxaana uu sheegay inay tahay wax lagu farxo dadaalka ay dowladdu muujisay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay muhiim tahay in Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, kaasoo fure u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho qaarkood oo saaka la xiray iyo sababta keentay

Caydiid Ali

Qalbi dhagax oo markii ugu horeysay ka hadlay cidii ka dambeysay xarigiisa (Daawo Video)

Caydiid Ali

Kulan gaar ah oo New York ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo & Antonio Gutteres

Caydiid Ali
Taboola Ads ---