Dowlada Mareykanka ayaa weerar u muuqday aargoosi ku qaaday hannaanka kombuutarradda ee dalka Iran, waxaana weerarkan la sheegay in uu curyaamiyey barnaamijka laga maamulo gantaalaha riddada dheer ee dalka Iran.
Wargeysyada kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan u muuqday mid dowlada Mareykanka uga aargoosaneysay diyaaradii dhawaan Ciidamada Kacaanka Iran kasoo rideen Mareykanka.
Xukuumada Washigton ayaa la sheegay in weerarkan dhinaca kumbuuterada ah qorsheeyey dhowr toddobaad ka hor, Mareykanka ayaana doonayay in ay jawaab uga dhigto weerarkii lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee marayey Gacanka Cummaan.
Weerarkan Mareykanka ku qaaday hanaanka Kumbuutarada ee dowlada Iran ayaa loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo hannaanka hubka ee ay adeegsadaan ilaalada kacaanka Iran ee (IRGC).
Wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaas ay qaadeen Mareykanka loogu talo galay in waqti kooban uu System-ka Iran uu hawada ka saaro.
Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa sii xoogeestay kadib markii Ciidamada Kacaanka Iran ay soo rideen diyaarad nuuca wax basaasa ah oo leedahay dowlada Mareykanka.