Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada Danab oo saakay la wareegay deegaano Al Shabaab maamulayeen

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa saakay howlgalo ka fuliyay deegaano kuyaala duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada kumaandooska ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano kuyaala duleedka magaalada Marka halkaas oo la sheegay in Al Shabaab ku sugnaayeen mudooyinkii lasoo dhaafay.

Deegaanada Al Shabaab lagala wareegay ayaa saraakiisha ciidanka Milatariga sheegeen in ay ahaayeen kuwa Al Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka fuliyaan magaalada Marka iyo duleedkeeda.

Al Shabaab ayaa wali maamusha deegaano kale oo kuyaala duleedka magaalada Marka, waxaana maamulka Marka iyo saraakiisha ciidanka Milatariga dhawaan shaaciyeen in la fulinayo howlgalo go’doonka looga qaadayo magaalada Marka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Ankara (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Waare & safiirka Qadar ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin isaga oo 19-sano jir ah galay Dambi dagaal oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---