Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in dagaalyahano katirsan kooxdooda magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka dowlada Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegtay in rag hubeesan oo katirsan dagaalyahanadooda toogteen Gaashaanlle dhexe Max’med Xuseen dhaqane oo ay sheegeen in uu kamid ahaa saraakiisha ciidanka dowlada.

War rasmi ah oo Al Shabaab soo saartay ayey ku sheegatay masuuliyada dilkan ka dhacay magaalada Muqdisho, mana sheegin Al Shabaab ninkan ciidanka tooska ah uu katirsanaa iyo waxa uu u qaabilsanaa.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan dhankooda ka hadlin dilkan Al Shabaab masuuliyadiisa sheegteen, waxa uuna dilkan imaanaya xili ciidamada booliiska ay howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ka wadaan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Masjidka Xaramka oo beeniyay Qoraal laga faafiyay Sheekh Cabdirixmaan Sudays

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Rooble oo ku howlan qorsheyaal isdiidan oo halis ah & walaac ka dhashay

Caydiid Ali

Mahdi Guuleed oo ka hadlay xukunka badda ee ka soo baxay Maxkamada ICJ

Caydiid Ali
Taboola Ads ---