Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Bermúdez oo telefan kula soo xiriiray dhigiisa Somalia (Maxay ka wada hadleen)

Madaxweynaha Waddanka Cubba Miguel Díaz-Canel Bermúdez ayaa khadka telefoonka kula soo xiriiray dhigiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku xaqiijiyey inuu xiriir dhinaca telefoonka ah la soo sameeyey Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel Bermúdez oo ku sugan magaalada Havana ee caasimada dalkiisa.

Farmaajo ayaa sheegay iney ka wada hadleen isaga iyo Madaxweynaha Cuba sidii labada dal ay u soo ceshan lahaayeen xiriirkii diblomaasiyadeed.

Somalia ayaa xiriirka u jartay dalal ay ku jirto Cuba ka dib markii ay faragelin milateri ku sameeyeen dagaalkii 1977 Somalia ku qaaday Itoobiya, iyagoo dib u soo celiyey ciidamadii xoogga dalka ee gudaha u galay dalkaas.

Arintan ayaa ku soo beegantay, iyadoo laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba laga soo afduubtay dalka Kenya, kuwaasoo lagu heysto gudaha Somalia, waxaana Al-shabaab oo labada dhaqtar gacanta ugu jira ay dalbadeen madax furasho lacageed si ay sii daayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay yihiin xubnaha lagu hor dhaariyey Axmed Madoobe?

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo lacag badan ugu deeqay Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka hadlay

Caydiid Ali

Muxuu RW Rooble kala hadlay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---