Waxaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka taagneed hadal heynta cabsi la xariirta in magaalada soo galeen haween wata cirbado laga qaadayo cudurka HIV AIDS-ka, kuwaa oo dhabarka uga dura dhalinyarada Bajaajta kaxeysa.
Arintan ayaan wali la heyn xaqiiqadeeda rasmiga ah marka laga reebo qoraalo iyo sawiro lagu baahiyay baraha bulshada, waxa ayna arintan cabsi badan ku abuurtay dhalinyarada ku xamaasha mooto bajaajta.
Qaar kamid ah Dhalinyarada Bajaajta ku shaqeysta ayaa si ay uga bad baadaan cirbadan la sheegay in la isku durayo ayaa bilaabay in ay sameestaan xeendaab ay uga bad baadi karaan hadiiba ay arintan ay jirto.
Dhalinyarada Bajaajta wadata ayaa sameestay xeendaab u dhaxeeya iyaga iyo dadka ay wadaan , waxa ayna dhaxda Mootada uga xireen waxyaabo suurto galinaya in aysan is gaarin iyaga iyo rakaabka ay wadaan.
Qaar kamid ah dhalinyarada fikirkan la timid ayaa sheegay in hada dareemayaan xasilooni ayna meesha ka baxday cabsidii ay ka qabeyn rakaabka ay wadaan gaar ahaan dumarka oo ay aad uga cabsi qabeen.
Haweenka iyo dhalinyarada Bajaajta ku shaqeysta ayaa mudooyinkii dambe soo kala dhax galay shaki , waxa ayna inta badan darawalada bajaajta dumarka weediin jireen in ay cirbad wataan iyo in kale.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmo kahor soo gashay cabsida la xariirta in magaalada joogaan Dumar faafinaya Cudurka HIV- AIDS-ka, waxaana Dumarkan la sheegay in cirbado ay dadka ku daraan u adeegsanayaan faafinta cudurkan halista ah , mana jiro cid warkan si rasmi ah u xaqiijisay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com