Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro aan horey loo arag oo laga qaaday Weerarkii Daaraha Mataanaha ee New York

Waxaa lasoo bandhigay sawirro badan oo laga qaaday weerarkii lala beegsaday daarihii mataanaha New York ee dalka Mareykanka , sawiradan ayaana ahaa kuwa aysan horey u arag saxaafada iyo bulshada caalamka.

Qof taarikhaha kaydiya ayaa la sheegay in uu soo iibsaday cajalado waxa uuna ku dhex arkay 2,400 oo sawir oo muujinaya bur-burkii soo gaaray daarihii mataatanaha ahaa ee magaalada New York oo la diyaarado lagu qarxiyay  11 September sanadkii 2001-dii.

Sawiradan ayaan ilaa hada la ogeyn shakhsiga saxda ah ee qaaday, waxaana loo maleenayaa in sawiradan uu qaaday qof kamid ahaa dadkii ka shaqeenayay dib u dhis lagu sameenayay daaraha la qarxiyay.

Cajaladaha laga dhax helay sawiradan ayaa ahaa kuwa baaba’san, hasa ahaatee sawirada iyo macluumaadka ku kaydsanaa ayaa ahaa kuwa dib loo soo celin karay ,waxaana la isticmaalay adeegga dib usoo celinta macluumaadka oo sahlay in sawiradan la helo.

Weerarkii lagu qaaday Daaraha Mataanaha ee New Yourk waxaa ku dhintay dad ku dhaw 3,000 kun oo qof, waxaana weerarkaasi fulisay koox katirsaneyd Ururka Al Qaacida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hormuud iyo Salaam bank oo deeq lacag ah gaarsiiyay 200 oo qoys oo dan yar ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay xeebaha dalka Cumaan

Caydiid Ali

Jubbaland oo fariin u dirtay Farmaajo ka dib go’aankii Rooble, Galmudug & Hirshabelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---