Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Iran oo soo riday Diyaarad ay leedahay Dowlada Mareykanka 

Ciidamada Cirka dalka Iran ayaa ku guuleestay in ay soo ridaan diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo leedahay Dowlada Mareykanka, diyaaradan ayaana la sheegay in a soo gashay Hawada Iran.

Taliyaha ciidammada ilaalada kacaanka Xuseen Salami ayaa sheegay in ciidankooda ku guuleesteen in ay soo ridaan Diyaaradan Mareykanka leeyahay, waxa uuna xusay in diyaarada si sharci daro ah usoo gashay hawada Iran.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidamada ilaalada Kacaanka Iran in talaabada ciidamada Cirka Iran kusoo rideen diyaaradan ay tahay mid fariin u direysa dowlada Mareykanka uu sheegay in xadgudub wado.

Dowlada Mareykanka ayaa durba qiratay in diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn kasoo rideen ciidamada Iran, waxa ayna Mareykanka sheegeen in diyaarada lasoo riday xili ay maraysay hawada caalamiga ah ee ka sarraysa marinka Hormuz.

Xiisada u dhaxeysa Iran iyo Mareykanka ayaa sii xoogeesanaya, dowlada Mareykanka ayaana kordhisay ciidamada ay geeneyo bariga Dhaxe iyo sidoo kale marinka Muhiimka ah ee Hormuuz.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda Ciidda Carafo, shacabkana hambalyo u diray

Caydiid Ali

Taliyaha XDS oo kormeeray taliska cusub oo ciidanka Lugta

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin & Xubno kale (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---