Allbanaadir.com
NEWS

Xaflada Dhalashada Boqorada UK oo Muqdisho lagu qabtay iyo R/W Kheyre oo ka qeyb galay (Daawo Sawirada)

Magaalada Muqdisho gaar ahaan  xarunta Safaaradda Britain ku leedahay Xerada Xalane waxaa lagu qabtay xaflad balaaran oo lagu xusayay dhalashada Boqorada UK Queen Elizabeth oo hada jirsatay 93 sano .

Xaflada lagu qabtay xarunta Xalane waxaa ka qeyb galay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ,Wasiiro, Xildhibaano katirsan labada aqal , masuuliyiin iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay xaflada ka dhacday xarunta Xalane ayaa ku dheeraaday ka hadalka taariikhda iyo xiriirka soo hireenka ha ee ka dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Ingiriiska.

Xaflada dhalashada Boqorada UK ayaa kulmisay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiin Mucaarad ah oon mudo is arag, waxaana inta badan siyaasiyiinta munaasabada ka qeyb galay ay heestaan dhakashada dalka Ingiriiska.

 

Related posts

(Sawiro) Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo ka wada degaano ku dhow Jamaame

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in dowlada federaalka ay Itoobiya ku xirtay saddex Gudoomiye degmo?

Caydiid Ali

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha oo maanta la magacaabo iyo Farmaajo oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---