Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masar oo jawaab caro leh ka bixisay baaqa la xiriira in la baaro geeridii Mursi

Dowlada Masar ayaa ayaa ka hor timid baaqii Qaramada Midoobay ee ku aadanaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dhimashadii madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi, iyadoo baaqaas ku tilmaantay iskuday ay ku siyaasadaynayso arrintaas.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in afhayeenka Wasaaradda Arrimha Dibadda uu Erayada ugu culus ku cambaareeyay talada ay soo jeedisay Qaramada Midoobay, wuxuuna ku adkaystay in Mursi uusan waxba eersanin, balse ay tiisa gashay.

Qoyskiisa ayaa wakhti dheer walaac ka muujinayay sida loogula dhaqmayay xasbiga, waxayna sheegeen in xukuumaddu ay ka diiday codsi ay u dirsadeen oo ahaa in lagu aaso deegaanka uu ku dhashay.

Hoggaamiyihii hore oo 67 jir ahaa ayaa Talaadadii la aasay, saacado ka dib markii uu ku miyir daboolmay maxkamad uu ka soo muuqday, isaga oo halkaas ku dhintay.

Mursi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo doorto, balse xabsi ayuu ku jiray tan iyo markii uu miltarigu xukunka ka xayuubiyay sannadkii 2013.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo qof oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo raali galiyay Cali Guudlaawe kuna qanciyay ka qeyb galka Shirka Wadatashiga

Cabdi Cade

DEG DEG: Dagaal hub culus la isku adeegsanayo oo caawa ka socda degmada Afgooye

Caydiid Ali
Taboola Ads ---