Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wasiir Yuusuf: “Cid kasta oo Fiiso la’aan soo gasha Puntland sharciga ayaa lala tiigsanayaa”

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in fiiso la’aan aan la soo gelin gudaha degaanada Puntland wixii hadda ka dambeeya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay PLTV ayaa shaaciyay in la qaban doono sharcigana lala tiigsan doono cid kasta oo fiiso la’aan soo gasha gudaha Puntland.

“Puntland waxaa lagu soo geli karaa fiiso, cid kasta oo tahriib iyo sharci darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa” ayuu yiri Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

Wasiirku ma cadeynin cida laga doonayo iney fiise ku soo gasho degaanada Puntland Soomaalida iyo iyo ajaaniibta kuwa ay yihiin, balse hadalkiisa oo ahaa mid aad loola yaabay ayaa su’aalo badan ka dhex dhaliyey Soomaalida, iyadoo baraha bulshada si weyn looga hadal hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Muxuu Madaxweyne Farmaajo u sheegay arday uu iskuulka ku booqday?

Caydiid Ali

Gudoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Waaberi oo saaka lagu dilay Muqdisho

Caydiid Ali

DEG DEG: Rooble oo ku gacan seyray Warqadii maanta ka soo baxday Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---