Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

QM oo dalbatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo Geerida Max’ed Morsi

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xaquuqul Insaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo qaabka uu u geeriyooday madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi iyo sidii loola dhaqmay intuu xabsiga ku jiray.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in geerida Morsi ay ku gedaaman yihiin shaki iyo su’aalo badan oo la xiriira sababaha geeridiisa soo dedejiyey.

Kooxda Ikhwaanul Muslimiin ayaa ku eedeysay dowlada Masar iney ka dambeysay geerida Morsi, iyagoo sheegay in mudadii uu xabsiga ku jiray si xun loola dhaqmay, loona diiday inuu qaato dawooyin loogu talo galay cuduro ay ka mid yihiin dhiigkar iyo kaadi macaan uu qabay.

Dowlada Masar ayaan illaa hadda si faahfaahsan uga hadlin geerida Morsi oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimoqraadi loo soo doortay dalka Masar inkastoo ay afgembiyeen milateriga dalkaas oo uu horkacayey Jen. C/fitax Al-siisi oo ah Madaxweynaha talada haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Dhuusamareeb oo War ka soo saaray dagaalka ka socda Magaalada

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Musharaxiin Madaxweyne (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mareykanka oo hor joogsaday in Falastin xubin rasmi ah ka noqoto Qaramada Midoobay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---