Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay xiisada maalmahan ka taagan Degmada Balad Xaawo ee ka dhalatay dhul boob iyo bur burin ciidamada Kenya ka wadaan qebo kamid ah Degmadaasi.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in waxa ka taagan Degmada Balad Xaawo ay tahay daan daansi ay wado dowlada Kenya kuna dooneyso in ay ku boobto dhul Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay Afhaeenka Al Shabaab in maamulka Jubbaland ay raali ka yihiin dhul boobka Dowlada Kenya ka wado Degmada Balad Xaawo, waxa uuna cadeeyay in Kenya aysan marnaba usuurto gali doonin damacooda dhul boobka ku dhisan.
Cali Dheere ayaa sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay ee ay Kenya dhul Soomaaliyeed qabsato, waxa uuna tilmaamay in Kenya horey ugu soo duushay dalka ayna qabsatay meelo badan.
Afhayeenka Al Shabaab ayaa ku amaanay shacabka ku dhaqan Degmada Balad Xaawo sida ay uga dhiidhiyeen dhul boobka Kenya wado, waxa uuna ugu baaqay in ay ka hortagaan damaca Kenya ayna dhankooda diyaar u yihiin in shacabka garab siiyaan.
Dowlada Kenya ayaa bilowday in darbi ka dhisto gudaha Degmada Balad Xaawo, waxa ayna ciidamada Kenya dumiyeen guro dad shacab lahaayeen oo kuyaala Gudaha Degmada Balad Xaawo si ay halkaasi darbi uga dhisaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com