Allbanaadir.com
NEWS

Nin Caan ah oo loo xiray baahinta Sawirada Meydad askar ay Al Shabaab dishay (Sawirro)

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay qoraa caan ka ah dalkaasi kadib markii uu baraha bulshada ku baahiyay sawirro laga soo qaaday meydadka askar dhawaan Al Shabaab ku dileen duleedka magaalada Wajeer.

Robert Alai ayaa xabsi la dhigay kadib markii lagu dacweeyay baahinta sawirada meydadka askarta Al Shabaab ku dileen qarax miino ay dhigeen duleedka magaalada Wajeer ee gobolka Waqiiyi Bari Kenya.

Sawirada uu qoraygan baahiyay ayaa ahaa meydadka askarta Kenya ee qaraxa lagu dilay oo gaari lagu raseeyay, waxa uuna qoraygan sawirada soo raacsiiyay in ay arintaasi muujineyso ixtiraam daro .

 

Waxa uu sheegay qorayga in askarta mar waliba ay mudan yihiin ixtiraam iyo sharaf, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in meydadka askarta si ixtiraam daro ah gaari loogu raseeyo.

Dalka Kenya ayaa waxaa dambi ka ah in la baahiyo meydadka askarta Kenya ee la dilo, waxaana Kenya meydadka askarta oo lagu baahiyo baraha bulshada uga dhigan tahay taageero loo muujiyay argagaxisada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali

Abwaan caan ah oo Qeylo dhaan ka keenay Dhul uu leeyahay oo Imaaraadka laga iibinayo

Cabdi Cade

Saldhiga Booliska Magaalada Garoowe oo la weeraray & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---