Tareen la rumaysan yahay in uu saaran yahay masuul sare oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay ayaa tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, sida ay ku warrantay warbaahinta Japan.
Warbaahinta Bloomberg ayaa sheegtay in qofka saarnaa uu ahaa Kim Jong-un laftirkiisa waxayna soo xigteen saddex ilood oo aysan magacaabin.
Shiinaha ayaa ah dalka wayn ee kali ah ee xulafada la ah Kuuriyada Waqooyi – laakiin calaaqaadkooda waxaa gaabis ka dhigay qorshaha nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.
Kolonyo gawaari aan caadi ahayn ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah caasimada Beijing, waxaana ciidamo badan oo boolis ah la geeyay Huteel ay degi jireen hogaamiyayaashii hore ee Kuuriyada Waqooyi.
Xukuumadaha Beijing iyo Pyongyang ayaan ka hadlin wararka la isla dhexmarayo, balse haddii ay dhab tahay in Kim Jong-un uu booqasho ku tegay Shiinaha, ayaa waxa ay noqonaysaa markii ugu horaysa ee uu safar dibedda ah u baxo tan iyo intii uu xukunka la wareegay.
Booqashooyinkii uu hogaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-il, ku tegi jiray Shiinaha ayaa la shaacin jiray ka dib marka uu dalkiisa ku laabto.
Waxaa sii xoogeysanaya dadaallada diblomaasi ee ku aaddan Kuuriyada Waqooyi, ayadoo la filayo in bilaha soo socda uu Kim Jong-un kulamo la qaato madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed iyo Donald Trump-ka Maraykanka.
Waxaa loo arkaa in Kim uusan dalkiisa ka bixin tan iyo markii uu xilka la wareegay toddoba sano ka hor.
Ma jiraan warar rasmi ah oo safarka Kim ku saabsan oo la shaaciyay, warbaahinta Shiinaha iyo midda Kuuriyada Waqooyina kama aysan hadlin, haddiise ay dhacdo in uu safarkaas galay waxaa loo arki doonaa hormar wayn oo laga sameeyay dhanka dublamaasiyadda.
Muuqaal ay soo bandhigtay warbaahinta Nippon News Network ee fadhigeedu yahay Tokyo ayaa muujinaya tareen liidmo jaale ah leh. Warbaahintaasina waxay intaas ku dartay in uu u egyahay midkii uu Kim abaahihii Kim Jong-il isticmaalay markii uu Beijing booqday sannadkii 2011kii.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com