Taliska sare ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaqada ka eryay shan xubnood oo katirsanaa Hay’ada NISA , kuwaa oon wali Hay’ada soo bandhigin magacyadooda iyo shaqada ay hayeen.
Qoraal lasoo dhigay barta ay Twitterka ku leedahay Hay’ada Nabad sugida ayaa lagu sheegay in shaqada laga eryay shan xubnood oo lagu eedeeyay in shaqadii loo igmaday ay gudan waayeen.
Hay’ada NISA ayaa sidoo kale sheegtay in xubnahan shaqada laga eryay aysan u qalmin in ay kasii tirsanaadaan Hay’ada Nabad Sugida sidoo kale lagu aamini karin danaha Qaranka Soomaaliya.