Askari katirsanaa Ciidamada AMISOM kana soo jeeday dalka Uganda ayaa laga saaray liiska Ciidamada kadib markii lagu helay in gudaha Soomaaliya uu ku kufsaday gabar 14-sano jir ah.
Taliska ciidanka Milatariga dalka Uganda ayaa shaqada ka tiray Raphael Olinga,oo kamid ahaa ciidamada Uganda ee ka howl galayay Soomaaliya, waxa uuna askarigan kufsi u geestay gabar 14-sano jir ah sida ay cadeysay Maxkamad ninkan la saaray.
Taliyaha Maxkamadda Ciidanka Uganda Jen. Andrew Gutti, ayaa sheegay in askarigan ka bad baaday xukun xabsi daa’in balse hada xukunkiisu uu noqday in shaqada laga tiro lagana saaro ciidanka.
Moses Wandera,oo ah agaasimaha xeer ilaalinta Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in todobaad ka hor waaliddiinta Gabadhaas ay diideen in ay la kulmaan Mas’uuliyiinta Ciidanka Uganda,waxaana uu sababta ku sheegay in gudaha Soomaaliya kusfiga uu ka yahay ceeb iyo sumcad dil qoyskaas ku dhacday,islamarkaana aysan dooneyn in bulshada ogaato.
Waalidiinta gabadhan la kufsaday ayaa ka dalbaday AMISOM iyo Taliska ciidanka Uganda in la siiyo lacag badan si ay uga tagaan Soomaaliya maadaama arinkooda la ogaaday sharaf dhacna ay ku tahay.
Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ayaa mararka qaar lagu eedeeyaa in kufsi iyo dhibaatooyin kale u geestaan haweenka, waxaana Ciidamada AMISOM hore looga digay in ay kufsi u geestaan ama xiriir la sameeyaan haweenka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com