Faahfaahino ayaa ka soo baxaya labo askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland kuwaasoo isku rasaaseeyey Xaafada Maxamed Mooge ee ka tirsan Magaalada Hargeysa.
Rasaasta ayaa sababtay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac culus soo gaaro, kaasoo uu ugu dambeyn u geeriyooday, halka askarigii kalena uu ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Askarta ay isku haysteen dhul loo qaybiyey ciidamada oo ku yaala xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaan faahfaahin ka bixinin israsaaseynta ka dhacday bartamaha Hargeysa oo nooceeda aan looga baran magaladaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com