Wasaaradda arrimaha dibeda ee Xukuumada federaalka Somalia ayaa u yeertay danjiraha dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al-Hamadi.
Danjiraha ayaa su’aalo laga weydiiyey arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiiskii DP World ee dekeda Berbera iyo saldhiga dowladiisu ka dhisaneyso isla magaaladaas.
Sidoo kale, danjiraha ayaa la weydiiyey inuu cadeeyo mowqifka dowlada Imaaraadka Carabta ee la xiriira Midnimada Somaaliya, iyadoo arrintan ay daba socoto hadal dhowaan ka soo yeeray Madaxa Shirkadda DP World oo sheegay in Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Somalia, aysana dowlada federaalka uga baahneyn fasax la xiriira dekeda Berbera.
Inkastoo uusan jirin war illaa hadda ay arintan ka soo saartay Wasaarada arrimaha dibeda ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in dowladu u muujisay danjiraha sida ay uga xun tahay tallaabooyinka ka hor imaanaya Qaranimada iyo Madax banaanida Soomaaliya ee ay qaaday shirkadda DP World.
Talaabadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee diblomaasiyadeed oo dowlada Somalia kaga jawaabeyso fara gelinta dowlada Imaaraadku ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com