Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Nabadoon caawa lagu dilay Kismaayo & Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay

Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan (Jeeri) oo ka mid ahaa Nabadoonada soo xulayay xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Jubbaland ayaa caawa Kismaayo lagu dilay.

Sida wararku sheegayaan dilka nabadoonka ayaa waxaa geystay rag bastoolado ku hubeysan oo markii dambe baxsaday.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Allaha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka dambeeyeen falkan.

Madaxweynahu wuxuu Alle uga baryay Nabadoonka in Janadii fardowso uu ka waraabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha amaanka faray in baaritaan deg-deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falka lagu dilay Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdirashiid Janan oo Shaaciyay in Gedo u tagay si uu u fuliyo Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Mareykanka oo shan milyan oo Dollar dul saaray Madaxa Abuukar Cali Aadan

Caydiid Ali

Wasiirro iyo Xildhibaanno kasoo jeeda Somaliland oo kahor yimid Heshiiskii Adis Ababa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---