Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho ka furay Shirweyne Saddex cisho soconaya (Sawirro)

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay shir looga hadlayo meel marinta Istaraatiijiyadda horumarinta xannaanada xoolaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo howl wadeennada wasaaradda xannaanada xoolaha uga mahad-celiyay dadaalka ay geliyeen sameynta istaraatiijiyadda ayaa sheegay in horumarinta iyo xanaanaynta xoolaha ay qayb muhiim ah ka yihiin hagaajinta dhaqaalaha dalka iyo yaraynta saboolnimada.

Istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo ay diyaarisay wasaaradda xannaanada xoolaha oo la tashiyada la sameysay wasaaraha dowlad gobaleedyada ee xannaanada xoolaha ayaa waxa ay saldhig u noqoneysaa hannaanka horumarinta xoolaha dalka oo qayb ka ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Shirka lagu meel marinayo istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo soconaya mudda sedax maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galaya wasiirrada xanaanada xoolaha ee dowlad gobaleedyada, maamulka gobalka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo tababar u xiray guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Lamaane faafinayey diinta Masiixiga oo loo soo masaafuriyey Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo fashiliyey miino lagu aasay wadada dhinaceeda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---