Allbanaadir.com
NEWS

Shariif Xasan oo lagu soo dhoweeyey Garoonka dayuuradaha Col. Shaati guduud (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ka dib markii uu Muqdisho uga qeyb galay shirkii heerka sare ee Amniga Qaranka.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa garoonka dayuuradaha Magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhoweeyay Masuulyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed,  Wasiiro Xildhibaano iyo Saraakiisha Ciidamada Maamulkaas.

Shariif Xasan ayaa warbaahinya Baydhabo u sheegay in shirkii amniga ee uu magaalada Muqdisho uga qayb galey ay wax badan isla meel dhigeen madaxdii uu kala qeyb galay ayna ka soo baxeen qodobo muhiim ah oo Maamulkiisa uu wax ka fulin doono.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u muuqda nin faraxsan ka dib markiii uu ka nafisay culeys xooggan oo ay ku hayeen Xildhibaanada baarlamanka maamulkiisa oo ku howlanaa diyaarinta mowshin isaga xilka looga qaadayo.

Shariif Xasan oo kaashanaya madaxda dowlada dowlada Somalia ayaa ku guuleystay inuu kala furfuro xildhibaanada doonayey iney xilka ka tuuraan oo qaarkood lacago la siiyey kuwo kalena loo sameeyey balan-qaadyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay Weriyeyaal lagu xirxiray Somaliland (Akhriso)

Caydiid Ali

Soomaaliya oo loogu deeqay aduun gaaraya 18 milyan oo dollar & Wasiir Axmed oo ka hadlay

Caydiid Ali

Farmaajo oo wada qorsheyaal cusub iyo Sarkaal amar ku bixiyey in la soo xiro..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---