Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanada Ahlu sunna & Galmudug oo qaaday talaabo Taariikhi ah (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb Xaflada dhameystirka mideynta maamulka Galmudug iyadoo la isku daray markii ugu horeysay labada baarlamaan ee Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug kuwaasoo wada noqon doona Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug.

Munaasabadan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Madaxweyne ku-xigeenka, Madaxa Xukuumada Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen iyo Wasiiro Ka tirsan Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo hadal qiimo badan ka jeediyay xaflada ayaa sheegay in Galmudug awoodeedu ay dhameystirantay, isagoo xusay in Galmudug lagu xanto maamul khilaaf badan balse arintaas ay been tahay oo dadka reer Galmudug ay markasta jecelyihiin Midnimada iyo wadajirka.

Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa isna sheegay in Galmudug israacday wixii hadda ka dambeeyana loo baahan yahay in la iska xoreeyo cadowga, waxaan u baahanahay ayuu yiri hadal yar iyo howl badan.

Madaxweynaha Gamudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka sheegay munaasabada in Galmudug guul  gaartay, loona baahan yahay in la muujiyo waxqabad iyo horumar.

Waxaa uu sheegay ineysan waxba iska bedelin balan-qaadkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee ahaa in Baarlamaanka Galmudug xaruntiisa ay tahay Cadaado, isagoo xusay in dhamaan xildhibaanada ay halkaas ku shaqeyn doonaan.

Baarlamanka la isku daray ee Galmudug ayaa waxaa uu hadda ka dib noqonayaa 178 xildhibaan, waana Baarlamanka ugu Xildhibaanada badan marka la eego Baarlamanada Maamul goboleedyada kale ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo ku dhawaaqay go’aan hadal heyn badan ka dhaliyey baraha bulshada

Caydiid Ali

(Xog hoose) Maxaa ka jira Shiikh Shariif uu heshiis qarsoodi ah la galay Fahad Yaasiin?

Caydiid Ali

Daawo:-Qaabka ay u dhacday ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub & Madaxwayne Farmaajo oo shaqo loo qabtay !!

admin
Taboola Ads ---