Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Nin si xun loo dilay oo saakay lagu arkay magaalada Muqdisho

Waxaa saakay meydka nin dhalinyaro ah oo si xun loo dilay lagu arkay xaafada Sarkuusta oo ku dhaw Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa saakay arkay meydka ninkan dhalinyarada ah oo xarig qoorta uga xirnaa sidoo kale indhaha cimaamad looga duubay, lamana oga ilaa hada cida dilkaasi ka dambeesay.

Meydka ninkan dhalinyarada ah oo saacado yaalay deegaanka Sarkuusta ayaa dadka xaafadaasi degan aqoonsan waayeen, waxaana markii dambe meydka goobtaasi ka qaaday ciidamo booliis ah oo geeyay xarunta dambi baarista CID-da.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waayahan looga baran in lagu arko dad la dilay oo meydadkooda lasoo dhigo wadooyinka, waxaana meydkan saakay la arkay cabsi badan ku abuuray dadka degan goobta lagu arkay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaad ka taqaan harada Mucjisada ee ay daadsan yihiin lafaha Bani’aadamka?

Caydiid Ali

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaddaha oo gaaray Riyadh, lana kulmay.. (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dastuurkii la xaday oo ku jira Qodob sheegaya in Muqdisho Caasimad aheyn (Akhriso Cadeymo)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---